Halkee caawinaad aad ka heli kartaa

Waxaan caawinaynaa dhibanayaasha la cunsuryeeyo, ayna cunsuryeeyaan cunsirayaasha ama kuwa Yuhuuda neceb. Waxaan nahay dad madax banaan, kana madax banaan ururo siyaasadeed. Waxaa caawinaynaa dadka cunsuriyiinta dhibaato jir dil kala kulmay amaba la kulma. Sida badan waxa ay dhibaatadu soo gaartaa, dadka ay maalin joogtada laga duudsiiyo sharciga, oo ay ka mid yihiin dadka Qaxootiga ah ama degenaasho doonka ah, dadka aan cunsuriyiinta ahayn, dhallinyarada caadiga ah, Khaniisiinta ama dadka cuuryaamiinta ah iyo kuwa aan guryaha lahaynba. Waxaan ka caawinaynaa dadka dhibanayaasha ah, sida ay dhibaatadii ay la kulmeen u maareyn lahaayeen iyo sidii ay heli lahaayeen fursad cusub oo u helaan fursad ay ku guulaysan karaan.

Talo bixin ama la talin

Waxaan ku siinaynaa Talo bixin isla meeshaasba, iyada oo aan la shaacin qofka shakhsiyaddiisa, dadkaas oo kala ah, dadka ay cunsuriintu ay wax yeelaan/ama Saaxiibadood ama Markhaatiyaashaba. Waxaan u raacaynaa xaafiiyada dawlada, Dhakhaatiirta iyo dhakhtaradyada, Maxkamadaha. Waxaan u raadinaynaa Turjumaan ama Turjumaanad, waxaan siinaynaa talo Sharciyadeed iyo waxaan ka caawinaynaa raadinta Sharci yaqaan ama Sharci yaqaanad ama Dhakhtar cilmi nafsi ama dhakhtarad cilmi nafsi.

Waan soo galaynaa

Waxaan soo galaynaa arrinta, haddii dhibaataysani ay cunsuriyiintu wax yeeleen, uu dareemo in kaligiis arrintiisa lagu dhaafay ama uu dareemo in aan la caawinin. Si cad oo dhibaataysaha loo garab istaago, waxa ay xadidaysaa in dambiilaha la tuso, halka uu xuduudkiisu yahay. Sidaasi darteed, waxa aan Dokumentation ama aan qoraal u samaynaynaa inta ay la eg tahay dhibaatada ay cunsuriyiintu ay gaystaan, sidaasi darteed, waxa caawinaynaa hawsha laga wado degaanka, oo lagu garab istaagayo dhibanayaasha, si ay hawlahaas uga sii socdaan isla goobta ama degaankaba.